|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- kooxo Hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa Saaka Weerar ku qaday Guriga uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax, iyadoo halkasi lagu dhaawacay qaar ka mid ah ilaalada Xildhibaanka.
Inta laga war hayo laba Askari oo ka mid ah ilaalada Xildhibaan Max’ed Qanyare ayaa ku dhaawacmay weerar ay kooxo aan la aqoon ku qaaden Guriga Xildhibaanka oo ku yaala Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarka maanta lagu qaaday guriga Xildhibaanka Qanyere,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in weerarkasi ay ka danbeeyeen isla ilaalada Xildhibaanka, halka Wararka kalena ay sheegayaan in weerarkasi ay ku soo qaadeen kooxha ka soo hor jeda siyaasada Dowladda Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gudaha Dalka Soomaaliya.
Kooxaha Weerarka ku soo qaaday Guriga Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegayaa in ay hubkii ka qaateen labada Askari ee ay dhaceen, iyagoo markii danbe ka cararay halkasi.
Labada Askari ee dhawaca uu soo gaaray ayaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iydoo mid ka mid ah Labadasi Askari ay xaaladiisa liidato.
Ciidamada Booliiska oo ka tirasan Maamulka Degmada Baydhabo ayaa gaaray guriga Xildhibaanka, kuwaasi oo waqti kooban ilaalo ka hayay Guriga.
Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Magaalada Baydhabo oo ay saxaafada wax ka weeydiisay Weerarkaasi lagu qaaday guriga Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen in aysanba ka war heeyn weerarkasi.
Weerarka xiliga lagu qaadayay guriga Xildhibaan Max’ed Qanyare ayaa ku soo beegmaya xili uu dalka Dibadiisa ku maqan yahay Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax wax war ahna weli kama soo saarin weerarka lagu qaaday Gurigiisa.
|